Warsame wuxuu ku dhashay geyiga ay bulshada reer guuraaga ah ee Soomaaliyeed dagaan, halkaas ayuuna ku garaadsaday. Markuu yaraa, weylaha ayuu ilaalin jirey, wuxuuse ku taami jirey, inuu lo'da ama geela raaco. Laakiin markey walaashiis Hodan oo ariga aroorin jirtey, xanuunsatay ayey waalidkiis Warsame u sheegeen inuu ariga arooriyo, go'aanka waalidkiisna gef weyn ayuu u arkay, laakiin qasab ayey ku aheyd inuu ariga ceelka u raaco. Balse markuu Idil oo ayaduna ari aroorineysa dhabaha kula kulmay, si wanaagsana u bartay, ayuu go'aansaday inuu maalinta xigtana ariga soo raaco, si uu Idil u arko. Idilna waxay Warsame ka balan qaaday, iney ayaduna ariga soo raaci doonto, taasna aad ayuu ugu bogay.

Nasiibdarose, Idil iyo reerkeedu ayagoon Warsame iyo reerkiisaba aan waxba u sheegin, ayey jarmaadeen oo dhul kale u hayaameen. Maalintay Idil balameen oo uu 13 jir ahaa, ilaa amintaan la joogo oo uu 50kii kor u dhaafayna, Idil ayuu baafinayaa, balanteediina sugayaa. Wuxuna markasta is weydiiyaa: tolloow Idil iyo qoyskeedii ma dalkoo dhan bey ka guureen, mise dhulkaa laqay? Marna kulankii ayuu ka shakiyaa, oo wuxu is weydiyaa: Idil iyo anigu ma is baranay oo balanay, mise anigaa riyoodayoo, kulankuba mid aan jirin buu ahaa?

Halkaan ayaad ka dalban kantaa: warsame1@gmx.at

Laashin Publishers and Publication: www.laashin.com

ISBN: 978-91-985439-2-6

Erstellen Sie Ihre Webseite gratis! Diese Website wurde mit Webnode erstellt. Erstellen Sie Ihre eigene Seite noch heute kostenfrei! Los geht´s